var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Imaaraadka Oo ka shiftat Heshiiskii Berbera iney Labo Dal Oo Kale ay ka qeyb qaateen (Waa Kuwee?)

Dhaxal-sugaha Abuu-Dhabi ahna ku-xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalka Imaaraadka Maxamed Bin Za’id Al-nahyaan ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in Imaaraadka uu Dekad ganacsi oo caalami ah ka hirgelin doono magaalada Berbera ee dhacda xeebaha gacanka Cadan.

Maxamed Bin Zaa’id waxaa uu intaa raaciyay in heshiiskan ay la galeen Soomaalida iyo Masar ay wada hadal dheer kala galeen dalalka Mareykanka, Masar iyo Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeyska Al-Watan ee ka soo baxa Masar, dekaddan waxaa la filayaa sida uu sheegay in ay wax badan ku soo kordhiso isku socodka ganacsiga caalamiga iyo in sidoo kale fulinta mashruucan in uu xoojiyo ammaanka marinka Baab-Al-mandab oo weliba si fudud halkaasi looga sameeyo saldhigyo militari.

Dhammaadkii sanadkii hore ayey Imaaraadka heshiis la galeen maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, waxaa sidoo kale heshiiska meel-mariyay baarlamaanka maamulkaas, waxaase warbixintan ku cusub in Imaaraadka uu arrintan kala tashtay dalalka Masar, Soomaaliya Iyo Mareykanka.

Arrinta la yaab leh, dowladda Soomaaliya lagama haayo wax war ah oo arrintan ku saabsan, xataa maamulka cusub ee Farmaajo kama hadlin in dekadda ay Imaaraadka la wareegayaan uu wax ka ogaa maamulkii isaga ka horeeyay iyo in kale.

AKHRISO  QM oo ka hadashay Weerarada Burcad badeeda Soomaalida iyo digniino soo saaratay

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: