var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Imaamka beelaha Mudulood oo sheegay in Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre uga duwan yahay madaxdii hore

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ah duubka beelaha Muddulood Hiraab ayaa markii ugu horeysay sheegay in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre uga duwan yahay ra’iisal Wasaarayaashii dalka soo maray.

Isagoo sii faahfaahinayay kala duwanaanshiyaha ayuu sheegay Imaamka beelaha Muddulood inuu yahay Xasan Cali Kheyre nin dhallinyaro ah oo aan ku shaqeynin qabiilka, inuu yahay mas’uul ay ka go’an tahay fulinta iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay wehliyeen Qaar kamid ah golihiisa Wasiirada ayaa shalay salaan Sharafeed ugu tagay hoyga uu Magalaada Muqdidho ka degan yahay Imaamka Beesha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf.

Imaamka ayaa Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirada la socday kusoo dhaweeyay Hoygiisa, waxaana kulan ku dhax maray Guriga Imaamka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiiro katirsan Xukuumada, Xildhibaano iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Mudulood.

Imaam Maxamed Yuusuf oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Wasiirada uu soo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay Xildhibaanada in ay codka kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub.

Beesha Mudulood ayaa si weyn u taageertay Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana Siyaasiyinta iyo waxgaradka Beesha Mudulood badankood sheegeen in ay taageersan yihiin xukuumada cusub.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: