var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

 IGAD oo guda gashay dhamaynta khilaafka Galmudug iyo kulamo uu la qaatay Madaxweynaha Galmudug iyo kooxaha kale.

Ilwareed Online

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Wafdi ka socda Midowga Africa uu gaaray magaalada Cadaado ee Galmudug waxayna xalay kulamo la qaateen Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Maamulkaasi Xareed Cali Xareed iyagoo ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee deegaanka.


Kulamo ayay Wafdifga ayaa maanta la yeelan doonaan Dhinaca kale oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Maamulkaasi waxaana la sheegay inay kala hadli doonaan xaaladda ka soo cusboonaatay Deegaankaasi iyo sidii loo xalin lahaa.

Dhanka kale Wafdigaan oo shalay gaaray Cadaado ayaa wada dadaalo labada dhinac la isugu keenayo madaama ay ku kala aragtiyo duwan yihiin siyaasadda Galmudug si loo afjaro Khilaafka saameeyay deegaankaasi.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: