Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Idaajaa sidee wax ka yihiin. Waxaan dhagaystay asagoo leh:

“Soomaalida waxa ay ceeb u yaqaanneen qofkii caanaha cab yiraahda. Waxaa la dhihi jiray “dhan” caanaha”.

Wuxuu yiri Soomaalidu waa in ay dhaqankeeda ku taagnaataa oo ay biyuha iyo cabitaanka u isticmaalaan “cab”, caanaha keliyana ay u isticmaalaan “dhan”.

Soomaalida “qaar” in uu yiraahdo maxaa u diidaya, xitaa Soomaali “badankeeda” soo ma dhihi karo? Haddii uu rabo in uu guud ahaan Soomaaliya uu ka hadlo, muu geliyo waqti yar oo baaritaan ah!

Meelo waxaa jira aan “cab” lagaba aqoon gebi ahaanba, caanaha waa “dhan”, biyahana waa “dhan” ama “waraab”.

Mar dhow filo in ay soo baxaan dad igana dhahaya, af Soomaali kuma jiro ereyga “cab”, waa ceeb haddii aan “dhan” loo wada isticmaalin biyaha iyo caanahaba.

Waxyaabaha dalkaan dumiyay keliya ma aha xabad iyo fowdo, waa “standard” la’aan iyo sharci darro, oo sahlaysa in keliya ma aha maamulka iyo maaliyadda musuqmaasuq iyo khalad laga galo, ee sidoo kale waa in taariikhda, dhaqanka iyo waxbarashada qeybaheeda kala duwan caddaalad darradu gaarto, kaddibna qof walba uu wixiisa u gaarka ah sammeysto.

Ha noolaato ayadoo sidaas ah!

Hassan Adam Hosow





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline
Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...