Howlgallo Culus oo ka socda Caawa Gaalkacyo

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Gaalkacyo qeybta Galmudug.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay ku daba jiraan qaar ka mid ah Kooxdii Shacabka xalay ku xasuuqday Koonfur Magaalada Gaalkacyo.

13 ruux oo xalay Koox hubeysan ay ku dishay Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa kasoo jeeday degaanada maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Kooxda dilka geysatay ayaa ka careysnaa Sarkaal ka tirsan NISA oo lagu dilay Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline