var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Howlgal Ciidanka Dowladda Muqdisho kula dagaalamyeen xalay Kooxo Burcad ah

Ciidamadada Dowladda ayaa xalay waxay dileen mid ka mid ah burcad dadka dhac ugu geysanayey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho , sidoo kalena waxay gacanta ku soo dhigeen labo kale oo la socotay,iyagoo dhawaac ah, kadib markii ay is risaaseyn dhax martay ciidanka ammaanka iyo kooxaha Burcada ahaa.
Sarkaal u hadlay Gobolka banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in burcadan xalay lagu qabtay degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in gacanta lagu dhigay mooto bajaaj ay wateen iyo hubkii ay dadka ku dhacayeen.
Dhanka kale Afhayeenka Gobolka wuxuu sheegay in labadii dhawacnaa iminka la dabiibayo , wuxuuna cadeeyay in dhawaan maxkamada la soo taagi doono,isla markaan la waafaji doono cadaalada ay mudan yihiin.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: