var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Dowladda oo ku qabtay Gaari uu lahaa Marxuum Guddoomiye Cabdi Nuunow

Ilwareed Online

Ciidamada Xasilinta Magaalada Muqdisho ayaa howlgal ay ka sameeyeen Duleedka Magaalada Muqdisho dhalinyaro iyo weliba Gaari uu lahaa Alle ha u Naxariistee Cabdi Nuunow oo ka mid ahaa ergadii Xildhibaanada ku soo doortay Degaanada Koofur galbeed oo Habeen hore lagu dilay Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Degmada Deyniile.


Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Ammaanka ayaa sheegay in Ciidanka Xasilinta Caasimadda ay qabteen Gaariga Marxuumka la dilay oo ahaa nooca raaxada, kaasi oo ay horay u wateen Dableydii Dishay Cabdi Nuunow.
Dhanka kale ciidamada ammaanka weli ma sheegin inay Gacanta ku dhigeen ikooxihii ka dambeeyay Dilka Marxuunka lagu Magacaabi jiray Cabdi Nuunow.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.