var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo Dowladda Federaalka (Dhageyso)

Ilwareed Online

Madaxii ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Galgaduud ayaa isku dhiibay maamulka gobolka Gedo ee hoos taga Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana socda dadaallo lagu geynayo magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Ku xigeenka gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji (Macallimuu) oo u waramayay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in guddoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Galgaduud oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Deel uu isku soo dhiibay.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Ku xigeenka gobolka Gedo in sarkaalka ka soo baxday Al-Shabaab ee iyaga isku dhiibay ay timid kaddib dadaallo maalmahaan socday iyo wada xaajood ku saabsan soo dhoweynta sarkaalkaasi.

“Sarkaalkaan isa soo dhiibay Al-Shabaab dhabar jab weyn ayay ku noqoneysaa” ayuu yiri Cusmaan Macallimuu oo sheegay in horjoogahaasi uu ku sugan yahay saldhigga Booliska, isagoona sheegay in maamulkoodu dadaal ku bixiyay sidii uu Al-Shabaab uga soo baxsan lahaa.




Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: