HORDHAC: Belgium vs England, Wax ka Ogaaw Dheesha Kaalinta Seddaxaad ee Koobka

Xulalka Belgium iyo England ayaa ku tartami doona kaalinta Seddxaad ee Koobka adduunka marka ay maanta fooda is daraan.

Kal hore ayey labadan xul ku kulmeen cayaaraha gabagaba maraya ee ka socda Russia waana kulamdii seddexaad ee heerka group-ka.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga: 05:00 pm ( SGA )

Garsooraha: Alireza Faghani (Iran)

Garoonka: Krestovsky Stadium

Wararka Labada Koox

Daafaca xulka Belgium Thomas Meunier ayaa diyaar ah markii uu ganaax ku seegay kulankii afar dhamaadka ay guuldarada kala kulmeen France.

Maamulaha Roberto Martinez ayaa laga yabaa inuu isbadalo sameyo, laakiin weeraryahanka Romelu Lukaku, kasoo laba gool ka dmabeeya tartanka kabta dahabka Harry Kane ayaa kusoo bilaabanaya safka kowaad.

Macalinka England Gareth Southgate ayaa sheegay inuu dhabtii layaabi lahaa haddii Kieran Trippier, oo dhaawac gumaarkaa soo gaaray kulankii Croatia, uu cayaaro kulanka sabtida.

Jordan Henderson iyo Ashley Young ayaa sido kale la qiimeyn doonaa.

Dhamaan 23 cayaariyahan ayaa tababartay jimcihii iyadoo Southgate uu sheegay inuu doonayo xoggaa isbadala inuu sameyo dheeshan sida ugu macquulsan.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

Tani waa kulankoodii labaad oo ay koobka adduunka ku kulmaan xulalkan dheeshii hore Belgium ayaa ku badisay 1-0 cayaar qeyb ka hayed heerka group.

Ka hor cayaartaas, England ayaa mar kaliya qasaartay 21-kii kulan oo ay hore ula dheeshay Belgium 15 guul ah, iyo 5 barbaro.

Waa kooxihii u horeeyay ee laba jeer ku kulma hal koobka adduunka tan iyo Turkey iyo Brazil sida oo kale laba mar ugu kulmay cayaarihii adduunka ee 2002-dii.

Belgium ayaa hore u cayaartay kaalinta seddaxaad, iyadoo la kulmay qasaaro 4-2 kadib cayaar waqti dheeri ah lagu daray oo ay la dheeleen France 1986-dii.

England kulanka qura oo ay dheeshay kaalinta seddaxaad ee koobka adduunka waxay aheyd 1990-kii iyagoona wajahay Italy waxaana looga adkaaday 2-1.

Sidaa darteed xulalka Belgium iyo England ayaa fursad u heysta midkood inuu ku dhameysto kaalinta seddaxaad markii u horeeysay inkastoo England ay koobka adduunka qaaday mudo hadda laga joogo 52 sano waana sanadkii 1966.

 

 





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline