var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Hey’addaha Amniga oo soo bandhigay maandooriyaal, hub iyo rasaas lagu soo qabtay Howl gal

Ilwareed Online

Hey’addaha Ammaanka ayaa soo bandhigay maandooriyaal, hub, rasaas iyo agabyo kale oo lagu soo qabtay howl galadii maalmahan laga sameynayay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Saraakiisha Booliska ayaa goob joog ka ahaa halkii lagu soo bandhigayay oo aheyd dugsiga Tababarka Booliska ee Jen, Kaahiye.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in waxyaabahan ay isugu jiraan maandooriyaal, rasaas, hub iyo agabyo ay ka mid yihiin miisaan, siliska rasaasta, waxaana badankodo ay ku jireen jawaano.

Waxaa kaloo saraakiisha ay sheegeen in gacanta lagu soo dhigay dadkii lahaa ama watay, kuwaasoo la sheegay in sharciga la horkeeni doono.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Booliska ayaa laga sugayaa inay saacadaha soo socda soo bandhigaan natiijada baaritaanka dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday degmada Xamar weyne oo rag hubeysan ay ku rasaaseeyeen gaari ay laheyd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, kaasoo lagu dilay labo qof oo saarnaa gaari



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: