var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Hay’adda WFP oo Diyaarad sida raashin nafaqeysan iyo Daawo keentay Magaalada Muqdisho

Diyaarad xamuul ah oo sida raashiin nafaqeysan oo loogu talagalay dadka abaartu saameysay ayaa ka soo degtay Magaalada Muqdisho, raashinkaan Nafaqada leh ayaa ah buskut-ka soo celiya durba nafaqada kuwaas oo lagu quudin doono 31,000- ruux muddo sadex beri ah.

Raashinkaan Nafaqaysan ayaa waxaa lagu keeney diyaarad nuuceedu yahay, Boeing 747 oo ay ku tabarucday shirkadda UPS Foundation oo fadhigeedu yahay Dubai, waxaana ka mid ah gargaarka WFP ay keentay dalka dawo oo ay u soo wakiilatay hey’adda kale ee ay bah wadaagta yihiin ee WHO.

Wakiilka WFP ahna gaasimaha xafiiska Khaliijka Abdallah Alwardat ayaa yiri “Jawabtan deg dega ah waxaa ay taageero muhiim u tahay qoysaska abaaruhu saameeyeen ee ku nool Soomaaliya ,” wuxuuna mar kale yiri “Diyaaraddan xamuulka ah waxay tusaale u tahay hey’adda WFP iyo hey’adaha kale in si wadajir ah u gaaraan dadka u baahan caawimaada.”

Hay’adda WFP ayaa sheegtay in cunada ay muhiim u tahay dadka nugul, gaar ahaan carruurta kuwaas oo ka barabaxay deegaanadii ay deganaayeen mana heli karaan raashiin iyo aqabka wax lagu karsado.

Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay in qisastii nus ka mid ah tirada dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan 330,000 oo carruur ah ay heysato nafaqa daro, waxayna u baahan yihiin kaalmo deg deg ah.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: