var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

hay ada nabad sugida qaranka oo digniin udirtay maxkamadaha alshabaab

Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa uga digay Ganacsatada Soomaaliyeed inay dhaqaale ku taageeraan Al-Shabaab, isagoo xusay in dhowaan ay soo saarayaan liiska Ganacsatada Al-Shabaab siisa lacagaha.

Isagoo xalay ka hadlayay shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen Mas’uuliyiinta Hey’addaha ammaanka ayaa sheegay in aan wax cudur daar ah loo yeeli karin dhaqaalaha la siinayo Al-Shabaab.

“Cudur daar iyo qiil ma noqon doonto waa nala handaday iyo waa cabsanaa in lacag lagu siiyo Shabaab, kaddibna lacagtaas qarax lagu soo sameynayo, hub iyo rasaas lagu soo iibsado, dadka masaakiintana lagu leynayo”ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.

Waxaa uu sheegay in dhaqaalaha lagu taageerayo Al-Shabaab si toos iyo si dadban ay tahay mid lagu xoojinayo jiritaankooda iyo howlahooda, isagoo ugu baaqay ganacsatada wixii hada ka dambeeya inay ka waan-toobaan.

“Qof Maka Al-mukarama, Xamar weyne, Suuq Bacaad iyo Suuqa Bakaaraha ku ganacsatada macquul ma ahan in qof Toora Toorow joogo inuu baad joogto ah ka qaado”ayuu yiri Sanbaloolshe.

Taliyaha NISA ayaa sheegay in dowladda waajib ka saaran tahay illaa iyo xad in dadka ammaankooda sugi doonto, isla markaana ay sameyn doonaan guluf iyo duulaan lagu qaado goobaha ay Shababka joogaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la ballaarin doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhaqaalaha looga hor-istaagato, isagoo digniin u diray Shirkadaha Isgaarsiinta, Xawaaladaha iyo Bankiyada.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: