var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Haweeney ka mid ahayd wafdigii Madaxwayne Farmaajo la tagay London oo iska dhiibay Yurub.

Ilwareed Online

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyaradda Qaranka Soomaaliyeed, Faadumo Cabdi Warsame (Faadumo Qaran) oo ka mid ahayd Wafdiga Madaxwayne Farmaajo ee shirkii London oo looga hadlayay Amniga Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inay ku goosatay London oo ay kadib uga sii gudubtay Wadanka Jarmalka.

Faadumo Qaran ayaa waydiisatay Magangalyo Wadanka Jarmalka, iyadoo haatan ku jirta xero la geeyo Dadka Magangalyo Doonka ah inta aan la aqbalin Codsigooda Qaxootinimo, waxaana loo sheegay inay leedahay Faro Ingiriiska ah, iyadoo la saaray Habka loo yaqaan Dublin-ka ee la saaro Qofka laga helo Faraha Wadamadda ku jira Heshiiska Dublin-ka.

Wafdiga tagay Shirka London ayaa waxaa gudbiyay Magacyadooda, C/raxmaan Caynte oo markii qabanqaabadda shirkan la billaabayay ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyadoona qaar badan oo ka mida Magacyadda la gudbiyay ay diiday Safaaradda Ingiriiska ku leeyihiin Muqdisho, halka kuwii la aqbalayna ay qaarkood ku goosteen Ingiriiska.

Dadka goostay ee ka midka ahaa Wafdigaasi waxaa inta la ogyahay ay gaarayaan 3 Qofood, kuwaas oo marka laga reebo Faadumo Qaran ay Hornafrik ku daba jirto Dalalka ay iska dhiibeen iyo Magacyadooda.

Wafdigan tagay London marka laga reebo Dadka haystay Baasoobaradda Yurub iyo Maraykanka waxaa laga dhigay Faro Boolis iyo Kuwo Immigration. Waxaana Magacyadooda la galiyay Data Base-ka Yurub inaysan dalban karin Magangalyo.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: