Halbeeg : “Hormuudka odayaasha dhaqanka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ahna wakiilka Jubba Land ee North Amerika”

Halbeeg

Waxay ahayd maalmihii ay shacabka aad uga xumaadedn dhiibistii Qalbi Dhagax. Waxaan ka mid ahaa dalka rumeysean waayay in md Farmaajo, oo wax badan Itoobiya faragelinteeda ka dhiidhin jiray xilka ka hor, uu maamulkiisa ku kacay falkaas dhiibista muwaadinkaas. Qof aad uga qiireysan arrintaas ayaan kulanay. Wuxuu ugu yiri, ” walaal sideedaba xitaa haddii ay madaxweyne noqdeen aarsi kama weynaadaan”

Waan sugay illaa aan ka fahmo dulucda
warkiisa. Sheekadii dhamayd ee Qalbi Dhagax waxayba ula muuqataa “Mareexaan Ogaadeen cadaw Ogaadeen u dhiibey”.

Hal mar kuma soo dhicin maskaxdayda!

Dhacdo walba, dadku halbeegyo kala duwan ayay ku qiimeeyaan.

Midda jeebka ayaa ugu halis badan!

Qof MN ku soo dhoweynaya siyaasi ayaa yiri, ” Waxaan ahay hormuud odayaasha dhaqanka ee Is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya iyo wakiilka Jubbaland ee North America”… ninka jagooyinka labada dal wada haya, bilaa xuduudka ah, ma laha caqligaas ayuu ku fekerayaa…

Ninka inta aanan kulanka dhammaysan wuxuu iigu soo gabagabeeyay in , ” marka ay is qabtaan Ogaadeen iyo Mareexaan, shacabka beelaha kale ee Soomaaliyeed ay Ogaadeen taageeraan, waayo waa mujaahiddiin”.

Kursigaas anigoo taageero Ogaadeen la iga dhigay ayaan ka soo kacay!

Hassan Adam Hosow





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline