Waxaa Todobaadkan si weyn loo hadal hayaa wax garadka aqoonyahanka iyo weliba haddey noqon lahayd Odayaasha geed fadhiga ah ayaa waxay si weyn u hadal hayaan goolaaftanka Maamul gobolleedyada iyo go’aan qaadashada Dowladda dhexe ee Soomaaliya, kadib markii ay kalsoonida kala laabteen wakiilkii Qaramada midoobay ee Soomaaliya kana soo saartay go’aan cad ayaa mar kaliya maamul gobolleedyada qaar ka mid ah ayaa farxad jir jir ula dhacay iyagoo awal kasoo horjeeday horumarka iyo awoodeysiga Dowladda dhexe kuna guulaysatay qeybo badan oo ka mid ah heshiisyada caalamiga ah, la wareegista hawada Soomaaliya, deemo ka cafinta iyo dadaallo badan oo aan lasoo koobi Karin.
hadaba, Soomaaliyey yey dhibaysaa horumarka iyo guusha Soomaaliya? Maamul gobolleedyada ka shaqeynaya dulmiga iyo hagardaamada Soomaaliya adduunkuna uga baaqaya Soomaaliya in la kala goo gooyo soo ma oga in asiga Soomaali yahay dhibaataduna ay kusoo laaban doonto asiga gobolka uu buun-buuninayo hadda.
Soomaalida waxay ku maah maahdaa ‘’ Falaadhii cirka loo ganay nin walbow filo’’ way soo foorartaaye haku tashanin inay ku dhacayso shakhsi iyo gobol gaar ah hana is oran ku fogey walaalahaa, waxaan kaloo ognahay go’aan qaadashada Dowladda dhexe in ay xaq u leedahay hoggaaminta iyo talooyinka siyaasadeed meeshuna ay ka saari karaan wax kastoo ay u arkaan inaysan Soomaaliya dan u aheyn, ceebna u keenaya Qarannimadeeda, Sharafkeeda iyo Diinteeda Muqaddaska ah, Waxayna Soomaalidu ku maah maahdaa Gaajo gobonnimo leh iyo Gunnimo dharag leh Gaajo gobannimo leh ayaa laqaataa, waxaa kaloo Soomaalidu tiraahdaa Hadal quureed lama qaato laakiin Cunto quureed waa la qaataa, waxaana sabab u ah haddii safar aatahay waddo dheerna aad mareyso oo gacal iyo sokeeye midna uusan kuu dhaweyn wixii kusiiya cunto aan kugu habbooneyn iyo marti qaad aan dhameys tirneyn intaba waad qaadan sababtoo ah waxaad ku gaareysaa meeshaad u socotay oo safarkaagi uu degi lahaa, waxaad ku gaartay dantaadi si dhameys tiranna waad uga bogatay safarkaagii iyo halkad aad ku wajahneyd, laakiin hadal quureed lama qaato.
waxaa kaloo Soomaalidu tiraahdaa Haddaan Af xummaan gacani ma xummaato ha noqdo hadal qadaf oo markaas lagugu yiraahdo ama mid kaloo daa daansi ah haddii aysan xeeladdu kuu diidin, waayo waxaa la yiri ‘’Geesigu waa Ishi qaate’’ lama doonayo inaad noqoto macangag madax adag waa in aatahay nin xaajada rog roga.
Arrin kastoo murugsan markii la rog rogo loona talo badsado waxaa la helaa furaheeda waxaana laga yiri xaajada; Haddaan la rog rogin rag ma helin .
Suugaan yahanka Soomaaliyeed oo ku xeel dheer hal abuurka iyo murtida dhacdooyinka ku qottoma ayaa wuxuu yiri haddii xaaja ragaaddo ribatoo socon weydo rug cadaaga gaboobiyo rag uun baa la tusaa iyagaa rog rogee, waxayna inta badan suugaantaan tibaaxaysaa fudeed ka cararka iyo daganaashaha dhaqanka iyo siyaasadda.
Waxaa kaloo Soomaalida ku maah maahdaa; God hadimo ha qodin haddaad qodana ha dheereyn ku dhici doontidaa ma ogide, akhristayaal waxaan halkaan kusoo gudbinaa guuxa Shacabka iyo wax yaabaha lagu falan qeeyo goobaha laysugu yimaado iyadoo ay ka dhex muuqdaan dad waayo arag u ah dhacdooyinka Soomaalida dhexdeeda ah, bur-burka dowladeed iyo wax yaabaha laga dhaxlo una badan dhibaatooyin bulshada u horseeda hoggaan la’aan, dagaallo iyo iska hor imaadyo u dhexeeya Qabaa’illada dhexdooda kaasoo ay ku adeeganayaan daneysta yaal tacab dhaqaale iyo martabad siyaasadeed doonaya, hanoqdeen kuwa caalami ah iyo kuwo waddanka gudihiisa un ku eg, waana inaan ka fogaanaa wax kastoo keeni kara bur bur qarannimo iyo kala aamin bax Ummadda dhexdeeda ah Intii nabadi joogtaa ninba labo nin la egyahaye soomaaliyey nabad.
Maqaalkan waxaan kusoo gabo-gabeynayaa gabay lamagac baxay galliin;
Gobollada dalkeenoow
gelliin baan idin ahay
adduunyada ninkaan garan
gobonnimo waxay tahay
gayigiisu ma xasilo
geelooda oo dhalay
gaawaha uma cushaanoo
godolka kama maalaan q
eyrkood ma gaaraan
gogol nabadi taal iyo
ma helaan gugoo da’ay
Somaali gabigeed
waa gacal walaalo ah
waa gacanta midig iyo
bidixdoo gar gaartee
ninkii gooy yiraahdoow
adigaa gunnimo iyo
guri maran fariistee
xageed gaari doontaa .
Gobol Gobol ka adag iyo
ma jiro gunno nin qaadaa
laakiin gumeysigu
guntimuhu kuu kala xiray
ninkii daba gocleeyee
talo goosto waa yaab
xaguu gaari doonaa.
Godobtii lagaa galay
ninkaan garanin waa yaab
cadowgiisa gaamuray
ruux hadduu gar gaarsado
soo ma hoyin guri wacan
Shacabkeeni gebigiis hadday
gogol fariistaan
guusha wuu helayaa
gallad waayi maayaan
ama garo ama ha garan
gurmad weeye maansadu
waxaa geeddi loo yahay
naqoo meesha uu galay
geedaha caleenta leh
inay gaarto maan deeq
gooytada walaal iyo
goboleysi ma oggola
waa gabib bannaanoo
garabkeedu maqan yahay
gogoshaad ku jiiftiyoo
gabaadkaaga lama gubo
gaadiidkaad ku guurtiiyo
ha gowracin irmaankee
abwaan garasho dheer iyo
guud cadaaga weydii
waddannigii gaboobiyo
geesiyaasha ma oggola
inaan kaa gar leeyahay
weydii gabyaagiyoo
rug caddaaga gaamuray
guure iyo raggiisi
halkaad galabta joogtaa
waa goob cidla ahoo
laga guuray waa hore
nacasbaa u guuxoo
gobonnimo ka diriree
halkii aan ka guurniyo
haku celin godkii hore
W/Q: Abwaan C/salaan Axmed “Gabeyre”
For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.
Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline