var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Guri si sharci daro ah looga dhisayo wado bulshadu marto iyo guriga Marxuum Maxamuud Sheekh Cusman

Guriga Marxuum Maxamuud Sheekh Cisman Sheekh Cabdi oo ku yaala laanta horseed / beerta degmada waaberi dadka deegaankana ay u yaqaanaa sarta ceelka ee degmada waaberi iyadoo guriga mudooyinkii dambena qeybtiisa hore laga furay iskuul lagu barto Xifdinta quraanka kariimka ah iyo maadooyin kale oo aasaasi ah,

iskuulka oo ay dhigtaan caruur gaareysa kudhawaad 200 ayaa ka faa,iideysta iyadoo wadada hormarta guriga ay muhiim utahay bulshada deegaanka iyo waliba caruurta dhigata iskuulka oo ay usoo maraan wadadaas si ay ugagalaan iskuulka halkaas,

waxaa dhacday in lacabirto oo dhul ahaan ay dowladu ubixisay sida ay sheegatay haweenay

iyadu kudoodaysa iney heysato ruqsad ama warqado lahaanshada dhulkan wadada ah oo bulshadu marto iyadoo wadadani ka timaado suuqa oo aan ka fogeyn waxaan loo yaqaanaa wadada Laaybeeriya.

hadaba dadka deegaanka ayaa aad ula yaabay iskuna dayay inay ka hor istaagaan waxaase muuqata iney haweeneydu ka dhaga adeegeyso baaqyada dadka deegaanka kaga yimid

dadka deegaanka ayaa saxaafada ka codsaday iney baaq udiraan dowlada iyo cidwalba oo wax ka qaban karta si loo hor istaaago dhisashada hantida guud ee wadada ah.

sidoo kale wiil uudhalay marxuum Maxamuud Sheekh Cusman oo aanu wareysanay ayaa baaq gaar ahaaneed udiray dadka deegaanka Waaberi inay isugu yimaadaan sidi ay u hor istaagi lahaayeen boobka noocan ah,

isagoo intaa kudaray iney meel fiican mareyso hase yeeshee loo baahanyahay in dadka deegaanku ay talada wadaagaan oo meel ugasoo wada jeestaan arimaha noocaan ah.

Kadhiibo codkaaga halkan oo hor istaag  Sign Petition Now.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: