var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Gudoonka Baarlamaanka Hirshabelle oo Aqbalay Mooshinkii Madaxweyne Cosoble (Akhriso)

Ilwareed Online

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Marwo Canab Axmed Ciise ayaa ka guddoontay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka mooshin xil ka qaadis ah oo ay ka keeneen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Marwo Canab Ciise oo kamid ah Xubnaha Guddoonka Baarlamanka hir-shabeelle ayaa sheegtay in mooshinka loosoo gudbiyay, iyadoo sheegtay inay saxiixeen illaa 53.

Mooshinkan xil ka qaadista ayaa lagu wadaa in la furo maalmaha soo socda, iyadoo dad badan ay isha ku hayaan xiisada siyaasadeed ee xilligan ka jirta Maamulka Hirshabeelle.

12 Wasiir oo isugu jiray Wasiir, Wasiiru dowle iyo Wasiir kuxigeeno ayaa shalay ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkooda, kaddib markii ay ku eedeeyeen Madaxweyne Cosoble waxqabad la’aan.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: