Gudoomiye Shukri “Maalinta Calanka waa mid ku wayn Shabiga Soomaaliyeed..”

Gudoomiyaha Xisbiga Banadir Alliance Movement (BAM) Shukri Saciid Ubax ayaa ka hadashay Qiimaha Ummadda Soomaaliyeed u leedahay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, waxayna Hambalyo u dirtay Dhamaan Haweenka iyo Shacbiga Soomaaliyeed.

“In ka badan 60 sano ayaa laga joogaa markii ay Soomaaliya gobannimadeeda ka qaadatay gumeystayaashii reer Yurub. Astaamihii ugu waaweynaa ee xorriyadda muujinayay waxaa ka mid ahaa calanka ay yeelatay dowladdii la magac baxday Jamhuuriyadda Soomaaliya” ayay tiri Gudoomiyaha XIsbiga (BAM).

“30 sano ah xornimadii kadib ayuu calankaas buluugga ah ee dhexda ku leh xiddigta cad ee shan geesoodka ah kaligiis astaan u ahaa Soomaalida ku midowday gobolladii Waqooyiga iyo Koonfurta” ayay tiri Gudoomiye Shukri oo iyadooku sugan Dalka Talyaaniga u waramaysay Websetka Somaliweyn.com.

Gudoomiye Shukri waxay kaloo sheegtay in Doorashada lagu wado inay dhacdo sanadka 2021-ka soo jeedisay in Haweenka Soomaaliyeed la siiyo qoondad kaga soo aaday, si doorashadu u ahaato mid u dhacda si xalaal ah.

Dhanka kale Gudoomiye Shukri Waxay sheegtay inay u hambalyeenayso Imaamka Cusub ee dhawaan ku dhawaaqday Beesha Abgaal Daahir Imaan Maxamuud, waxayna Beelaha Abgaal ugu baaqday in lala shaqeeyo Imaamka cusub.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline