var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Wafdi uu hoogaaminaayo oo goor dhow Muqdisho soo gaaray.

Muuse Faki Mahamat Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.


Gudoomiyaha ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka socday Taliska AMISOM
Gudoomiyaha ayaa ujeedka uu u yimid Muqdisho waxaa la xaqiijiyey inay la xiriirto Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale dardar gelinta Howlgalka AMISOM.
Dhanka kale wuxuu la kulmay Gudoomiyaha Midowga Afrika Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo si aad ah loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho iyadoo Wadooyinka Inta badan la Xiray oo aanay Jirin wax Gaadiid ah oo saakay shaqeynaaya aysan jirin.

AKHRISO  Wasiirka Arrimaha Dastuurka DF Soomaaliya oo maanta hor-tagaya Baarlamaanka Soomaaliya

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: