var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Gudoomiyaha gobolka Mudug oo ka hadlay Guryaha dawlada ee lagu iibinayo Magaalada Gaalkacyo

Ilwareed Online –

Iyadoo mudooyinkii danbe goboka Mudug lagu iibinayey guryaha dawladda ayaa maanta waxaa ka hadlay gudoomiyaha goboka Mudug Xassan Maxamed Khaliif wuxuuna sheegay inay guryahaasi dawladu ay iibinayso ay ugu talagashay in lagu daro lacagtiisa dhismaha isbitalka guud ee gobolka Mudug.

Xassan Maxamed Khaliif ayaa sidoo kale wuxuu sheegay guri horay u lahayd wasaaradii hore ee caafimaad Soomaaliya oo dawlada Puntland ay iibisay inay ka bixisay 200,000 Dollar taas oo lacagtiisa lagu daray Dhismaha isbitalka guud ee gobolka Mudug.

Sidoo kale Xassan Maxamed Khaliif ayaa sheegay guryo ku yaal xaruntii hore ee dawlada Hoose lagu qarxin jiray in laga iibiyo guryo kamid ah wuxuuna sidoo kale xusay in guryahaas la iibiyey lagu bad baadiyey 141 Guri oo dayn ahaan loogu qabsaday kuwaas oo dawladu hada ay la wareegtay sida uu sheegay xassan Maxamed Khaliif.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.