var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Gudoomiyaha CAf oo caawa Muqdiisho ku hoyanaya

Gudoomiyaha  xiriirka kubada cagta Afrika Ahmed Ahmed oo maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdiaho ayaa booqday gooba badan oo magaalada Muqdisho ah kuwaas oo u baahan wax ka  qabasho.

Gudoomiyaha oo si weyn u amaanay amniga ka jira magaalada Muqdiaho ayaa ku dhiiraday in uu caawo seexdo hoteel Jaziira ee magaalada Muqdiaho waxaana la dhihi karaa waa masuulkii ugu horey oo hoteel  ku hooydo magaalada Muqdiaho.

Gudoomiyaha ayaa balan qaaday in dib u dhis lagu sameen doono garoonka weyn ee  stadium-ka  Muqdiisho oo u baahan dib u dhis weyn waxuuna Soomalida u balan qaday in wax badan loo qaban doono madama xiligaan Soomaliya ka soo kabaneyaa bur burkii 25 sano ka soo gaaray

Caawa waxaad moodaa in Hotel Jaziira  uu ka duwan yahay sidii hore madaama uu halkaas ka socdo shirar kala duwan uu wafdigu  laleeyahay  gudoomiyaga CAFA

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: