Gudiga Difaaca Puntland oo ka yeeshay kulan deg deg ah Xaalada deegaanka Tukeraq

Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in kulan deg deg ah uu haatan halkaasi ugu soconayo Gudiga difaaca ee maaamulkaasi.

Guddigaan ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda shir jaraa’id ku qabtaan magaalada Garowe iyagoo saxaafada isugu yeeray.

Waxaana la sheegay in gudigga ay warbixin ku saabsan xaalada dagaalka Tukaraq iyo go’aanadii ugu dambeeyay ee ay soo saareen iyo arrimo kale ay ka hadli doonaan.

Dhanka kale maalmihii ugu dambeeyay ayaa guddiga difaaca waxaa ay joojiyeen in shidaal loo gudbiyo dhinaca Soomaaliland, waxaa kale oo ay joojiyeen isku socodka shacabka deegaanka ay colaadu ka taagan tahay ee Tukeraq ee gobalka Sool





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline