Guddoomiyihii Hore ee G. Fulinta Ahlusunna oo ka hadlay heshiiskii burburay

Guddoomiyihii hore ee Golaha Fulinta Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada dhexe ee Soomaaliya Mudane Cabdi Cali Fiidoow oo aan Khadka Telefanka kula xiriirnay isaga oo ku sugan Waddanka Dibaddiisa ayaa wuxuu noo sheegay in uu aad iyo aad uga xun yahay Burburka ku yimid Wadahadalladii Muqdisho uga socday labada Maamul ee is diidanaa muddada.