Guddoomiye Muuddeey oo Madaxweynaha Jabuuti ugu mahad celiyay dib u yagleelidda Dowladnimada Soomaaliya”Sawirro”

Muqdisho:-Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Aqalka hoose Soomaaliya mudane,Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muuddey ayaa Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisuba ugu mahad celiyay dib u yagleelidda Dowladnimada Soomaaliya iyo sida weyn ee ay ugu qeyb qaateen.

Mudane, Muuddeey oo xalay ka hadlayay munaasabadda Xuska 20 guurada dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya Magaalada Carta ee Dijbouti Sanadkii 2000, ayaa sheegay in aysan marnaba illaawi doonin abaalka ay ugu galeen Walalahooda Jabuuti.

Guddoomiyaha ayaa u mahad-celiyay Wasiirka Warfaafitnta dhaqanka iyo dalxiisaka mudane, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Wasaarada Dhalanyarada iyo ciyaaraha marwo, Khadiijo Maxamed Diiriye oo soo abaabulay munaasabadda xuska 20 guurada dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya ee Dalka Jabuuti Sanadkii 2000.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline