var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Guddoomiyaha Aqalka sare : ““Dhallinyarooy gacmaha isqabsada oo kuligiin is wargeliya..”

Ilwareed Online

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay gacan weyn ka geystaan Nabadeynta dalka, waxaana uu xusay in baaqa Nabadda ay qaataan maadaama maanta ay ku asteysantahay maalinta Nabadda Adduunka.
Guddoomiyaha Golaha aqalka sare iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay nabadda ka qeyb qaataan, maadaama ay maanta ku asteysan tahay maalinta caalamiga ah ee Nabadda adduunka 21-ka september.
“Dhallinyarooy gacmaha isqabsada oo kuligiin is wargeliya, isa soo taago, tusa awooddiina inaad Nabad u taagan tihiin oo aad soo dhaweyneysaan Nabadda Adduunka, oo aad diidan tihiin colaad, ismuquunin iyo dilka” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare
Sidoo kale Maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Nabadda Aduunka, iyadoo madaxda Caalamka maanta oo kale ka hadlaan qiimaha nabadu u leeyay Aduunka.
.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: