Ilwareed Online –

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada muqdisho ku yeeshay shirka guddigiisa fulinta ee sanadk 2018, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta.

Shirkan oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi, ayaa looga hadlay Waxyaabihii GOS u qasboomay sanadkii tagay  iyo qorshaha sadexda bilood  ee soo socda.

   Agaasimaha GOS  Cali Axmed Maxamuud ( Kuukaay),  ayaa  ugu horeyn  waxuuna xubnaha Shirka  si faahfaahsan   uga warbixyay  waxyaabihi ugu muhiimsanaa ee GOS u qabsoomay sanadki tagay, waxuuna xusay  , Aqoor kororsi loo sameeyay  Xogyhaynta GOS, tabar loo qabtay  maaamulada xiriirad iyo Ururada, Tababar   loo qabtya macalliinta kubadda Gacanta iyo  kuwa Ciyaaraha Fudud oo ka dhacay dalka Dijbouti,  tababarka horumarsan ee maamulka iyo Maareynta  oo loo qabtay Masuulyiinta xiriirada dalka , Ururada iyo ardayda jaamacadaha  iyo  diyaarinta ciyaartoy loo carbinayo tartamada heerka caalami ee ciyaaraha fudud oo xero iyo tababar joogta ah loo sameeyay.

 Intaa  kadib xubnaha Guddiga Fullinta ayaa soo dhaweeyay howlihii  quruxda badnaa ee sanadki tagay la qabtay, waxayna gudo galeen ka doodida  qorshe howleedyada ugu soo horeeya sanadkan waxaan si weyn    loo gorfeeyay  suurta gelinta   tartamada heer iskuul oo qeybaha kale gedisan ee isboortiga maadaama iskuulada ay yihiin aas-aaska, waxyana dhanka kale  isku raaceen in Shirwaynaha GOS oo Bisha January   la qaban jiray  loo wareejiyo bisha Maarso.

 Gegbogadbii waxaa shirka ka hadlay guddoomiiyah GOS mudane  Cabdullaahi Axmed Tarabi, waxuuna sheegay in GOS ay  sanadki  hore xoogga saartay  aqoonta  taasoo laf-dhabar u ah horumarada Isboorti, sidoo kale waxuu guddoomiyaha intaa kudaray in   ay GOS  xero tababar iyo nafaqeyn dhammeystira u sameysay ciyaartoyada ciyaaraha fudud  kuwaa oo loo diyaarinayo ciyaaraha   Olombikada Adduunka 2020 iyo taramada kale  ee kasoo horeeya  isla markaana xeradan ay sii furnaan doonto ciyaartoyda bandhiga wanaagsan sameeyana  dibadda tababaro  heerkoodu sareeyo loogu qaadi doono isla markaana  ciyaartoy da’yar oo mustaqbal leh ay xerada u diyaarin doonaan kuwaa  oo laga soo xulay  gudahha dalka iyo dibadaba.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline