Guddiga daba galka dhaqan galinta waqtiga shaqada ee shaqaalaha dowladda oo bilaabatay

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa kulan la qaatay guddiga loo xilsaaray daba galka dhaqan galinta wareegtadii ra’isul wasaaraha ee ahayd in shaqaalaha dowladda ay shaqada yimaadaan sideeda subaxnimo kana baxaan tobanka galabnimo.