var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

 Golaha Wasiirada oo maanta Ansixiyay Qorshaha Amniga Qaranka 5-sanno ee soo Socota

Ilwareed Online –

Golaha Wasiirada oo maanta ku yeesheen kulankooda magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin Amniga,Dib u heshiisiintii ay gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna,shirarkii ka qabsoomay magaalada Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirada qaarkood.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa lagu ansixiyay Qorshaha Amniga Qaranka ee shanta sano ee socoto,sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Dhanka kale waxaa kulanka ka hadlay Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Wasiir ku-xigeenka C/naasir,waxayna diirada saareen muhiimadda ay leedahay Qorshaha istiraatijiyada Amniga Gudaha ee 2017-ka ilaa iyo 2020, waxayna sheegeen in Arrimaha Amniga uu yahay yoolka saareysa siyaasadda amniga dalka saldhigna u ah Qorshaha horumarinta dalka.


Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.