Golaha Shacabka oo ansixiyay Xeerka xuquuqda Siyaasiinta Dowladda

kulanka guud ee Golaha Shacabka waxa uu ka koobnaa hal ajande, oo ahaa akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka ama xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ugu horeyn Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ah Xoghayaha guddiga Xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada golaha u faah faahiyay xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda iyo meelaha wax ka bedelka ay ku sameeyeen.

Guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa sheegay in xeerkan ay kusoo dareen dhamaan talooyinkii iyo fikradihii ay horey xildhibaanada ugu Biiriyeen ,wuxuuna golaha ka codsaday in cod la geliyo si uu meel mar u noqdo.

Intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka,ayaa cod  geliyay Xeerka Xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda ,waxaana ogolaatay 167-Xildhibaan,iyadoo uu diiday hal xidlhibaan,labo Xildhibaana ay ka aamuseen; sida uu natiijada codeynta la qaaday, waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka inuu xeerka ansax yahay islamarkaana soo xiray kulanka





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline