Golaha Aqalka Sare oo la horgeeyay hindise sharciyeedyo dhowr ah

Muqdisho:-Xubnaha Golaha Aqalka Sare BFS. Ayaa manta gudagalay qodobbo la xiriiray aAkhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Kulankii manta oo ay soo xaadireen Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi , Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad Senatar Moowlid xuseen Guhaad.waxa golaha hor-yimid Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga XFS Mudane Xassan Cali Maxamed ,Wasiir ku-xigeenka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble

Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Waxaa haatan ay guda galeen Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS dodooda ku aadan akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline