var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Golaha amaanka oo Mudadda u kordhiyey AMISOM

Ilwareed Online

Ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa la kordhiyey mudadda ay sii joogayaan gudaha dalka Soomaaliya, waxayna sii joogi donaan ilaa 31 May 2018 waxaa sidaas lagu sheegay warbixin uu soo saaray Gollaha amaanka.

Ciidamada AMISOM ayaa soomaaliya ku sugna muddo 10-sano ah iyagoo waday howlgalo ay kula dagaalamyeen ururrka Al-shabaab, sida wadamada ku midaysan Gollaha amaanka ku heshiiyeen ilaa laga gaarayo 31 May 2018 AMISOM waxay sii wadi doonaan howlagalooda.

15-ka ee goluhu ka kooban ayaa ku heshiiyey in muddo 9-aad bilood ah AMISOM sii joogaan Soomaaliya, waxayna tababaro sii doonaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Booliiska, ilaa mudaddaas ayaa la sheegay in AMISOM si tartiib tartiib ah dalka uga bixi doonaan.

Mudda kordhintan ayaa kusoo aadaysa xilli dowladda federaalku ay sheegtay in ciidamada Soomaaliyeed mardhow gacanta loo galin doono amaanka dalka, waxayna hadda wada qorshe lagu dhisayo ciidan Qaran.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.