var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Gogosha Nabadeynta Beelo ku Dagaalamay Cadale oo Dib u Dhac Ku Yimid

0

Ilwareed Online –

Kulan lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa dib u dhac uu ku yimid kadib markii ay soo gaari waayeen magaalada Jowhar qaar ka mid ah ergadii kaqeybgali lahayd shirka.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen oo la hadlay ergada ka qeybgalaysa shirka dib u heshiisiinta beelaha Celi iyo Cabdalle ayaa sheegay in berri oo ah Isniin 31ka July 2017 uu si rasmi ah u furmi doono madasha dib u heshisiinta labada beel.

Ergada oo maanta uu Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali Guudlaawe qado sharaf ugu sameeyay guriga uu ka degen yahay magaalada Jowhar ayuu kula dardaarmay inay ku dadaalaan sidii loo soo afjari lahaa colaada u dhexeysa labada beel ee walaalaha ah ayna gogosha ku dhamaystaan khilaafka u dhexeeya labada beel.

Ergada ka qeybgalaysa shirka ayaa maanta soo dhamaystirmay waxaana lagu wadaa in xildhibaano iyo wasiiro ay goobjoog ka noqdaan furitaanka madasha dib u heshiinta beelaha.

Sidoo kale waxaa ergada hadal dardaaran u jeediyay Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle waxana uu sheegay Caadle in Nabadu ay tahay shey muhiim ah shacabka oo abaaro soo daashadayna aysan ubaahneyn barakac iyo in dhiig iska daadiyaan.

Labada beel ayaa khilaafkoodu waxa uu salka ku hayaa lahaansho dhul deegaan ah oo ku yaal deegaan ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.