var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Go’aankii xukuumadda ee khilaafka Khaliijka oo shaki gelisay safar Madaxweyne Farmaajo ku tegi lahaa Sacuudiga

Ilwareed Online

Kaddib markii shalay golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku celisay inay dhexdhexaad ka tahay arrimaha khilaafka dalalka Khaliijka ayaa waxay saameyn ku yeelatay safar Madaxweyne Farmaajo ku tegi lahaa dalka Boqortooyada Sacuudiga aakhirka bishaan.

Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya inay bilowdeen dadaallo lagu doonayo in safarka Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya uu booqasho ku tago dalka Sacuudiga oo uu casuumaad rasmi ah ka helay.

Dowladda Sacuudiga ayaa iyadu shaki weyn ka muujisay go’aanka Dowladda Soomaaliya ka gaartay khilaafka dalalka Khaliijka, iyadoo xulafada uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka dhanka ah dowladda Qatar ay culeys weyn ku saarayaan dowladda Soomaaliya inay go’aankooda taageero uga hesho.

Dhinaca kale khilaafka wadamada Khaliijka ayaa qalqal siyaasadeed iyo saameyn ku yeeshay maamul goboleedyada dalka ka jira, kuwaasi oo intooda badan la saftay dowladda Sacuudiga iyo Imaaraadka.

 



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: