var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ganacsade lagu diley magaalada Gaalkacyo

0

Cabdirissaq Muuse Nuur (Jaxeer) oo kamid ahaa ganacsatada iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta qarax loogu xirey gaarisgiisa, marxuumka ayaa ku geeriyoodey isla goobtii qaraxu ka dhacay.

Wararku waxay sheegayaan xiliga gaarigu qarxaayo in uu ka soo baxay gurigiisa taas oo muujin karta in horey bomka loogu sii diyaariyey gaariga.

Geerida Ganacsade Jaxeer waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha qaybta gobolka Mudug Adan Nuur Qaal.

Cabdirissaq Muuse Nuur ayaa kamid ahaa guddigii abaaraha iyo guddiga dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo, waxaana warar Horseed Media soo gaarey sheegayaan in uu walaal la ahaa Xildhibaan Sanyare oo horey uga tirsanaan jirey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatey in ay ka danbeysey weerarkan, waxaana horey magaalada Gaalkacyo uga dhacay weerar caynkan oo kale ah lagu diley Xildhibaan Cabdulqadir Faarax Bootaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.