Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Galmudug Oo Ka Dooday Wadahadalada Ay La Yeelanayaan Ahlusuna

Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa manta kulan ku yeeshay Golaha Wasiirada maamulkaas kaas o ay uga ahdlayeen wadahadalo lala yeesho Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Madaxweyne ku xiegenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi(Carabeey) waxana Warbixino looga dhagestay Wasaarada Dastuurka iyo arimaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo laga sugayo in ay soo diyariso wadadii loo mari lahaa Wadahadalada Maamulka Ahlusuna.

Hadaba faah faahinada dheeradka ah ee kulankaas ka soo baxay waxaan ka wareysanay Wariyaha radio Dalsan ee Gobolada Dhexe Saadaq Cabdi .

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...