var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Galmudug: Doorashada Madaxweyne Cusub

0

Gobolka Galmudug wuxuu kamid yahay gobolada ugu muhiimsan dalka Somalia waana gobol alle ku maneystay khayraad farabadan sida nooc duunyo oo dhan, bad, shidaal, macdan, iwm. Shacabka kunool Galmudug waxaa lagu qiyaasaa 3 ilamaa 4 million oo dad ah. Galmudug waxay xaduudo la leedahay Puntland, Hirshabelle iyo dalka Ethiopia, waana gobolka ugu baaxad weyn dalka Somalia. Dowladihii soomaray dalka Somalia 1960-1991 wax mashaariic horumarineed ah kama hirgalin Galmudug marka laga reebo waxa ay shacabku iyagu qabsadeen sida waxbarasho, amni, is-maamul iyo mashaariic ku salaysan iskaa wax u qabso.

Kagadaal kolkii uu dhawaan iscasilay Madaxweynihii Galmudug Mudane Abdikariim Hussein Guled, waxaa waajib ah in Galmudug doorato Madaxweyne cusub taasoo loomarayo dastuurka dowlad goboleedka Galmudug islamarkaasna la tixgaliyo nidaamka iyo hannaanka daahfurnaanta (transparency) iyo musuqmaasuq la’aan ( conducting an election without corruption).

Haddaba inta aysan Galmudug ku tilaabsan in ay doorato Madaxweyne cusub, waxaa lagama maarmaan ah in ay taabagaliso arrimahan soo socda oo xal waafi ah loo helo:-

* Inla dhameeyo khilaafaadka ka dhexjira Xildhibaanada Galmudug
* In ay hishiiyaan Galmudug iyo kooxda Sunna Waljameeca

* In Dowladda fadaraalkaa lala kaashado sidii loo xalin lahaa mushkilaadka
siyaasadeed oo ka dhextaagan Galmudug
* In Nabadoonada Galmudug ka qaybqaataan xalinta qalalaasaha siyaasadeed
iyo tafaraaqua ka dhex aloosan Galmudug iyo sidii doorasho xalaal ahi oga
dhici lahayd Galmudug

Waxaa kaloo muuqata in gacno shisheeye ku lug leeyihiin qalalaasaha siyaasadeed iyo tafaraaqua ka dhex oogan Galmudug taasoo loo baahan yahay in meesha laga saaro si Galmudug loo mideeyo islamarkaasna ay hore ugu tilaabsato iyadoo wadajirta oo is-aaminsan. Waxaa siweyn muhiim u ah in Galmudug waxgaradkeedu iyo siyaasiyiinteedu ay maanta siwadajir ah ugu istaagaan danta guud ee Galmudug iyagoo ka tanasulayo danaha gaaban oo shaqsiyeed.

Galmudug guul, cadaalad, midnimo iyo horumar.

W.Q. Hassam Shaykh

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.