var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Galmaax Yoonis oo gaashaanka ku dhuftay jiritaanka xukuumadda cusub

0

 

Beesha Galmaax Yoonis oo asal ahaan ay deegaan u tahay Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa u muuqata inay fadhiga ka kacdey isla markaana ay u soo jeesatey sidii ay u soo dhacsan laheyd xaqa kaga maqan saami qeybsiga Dawladda Dhexe iyo sidii loogu madax banaaneyn lahaa Maamulka G/Banaadir.

Kulan-weyne aad u culus oo ay beeshu isugu timid loogana hadlayay Aayo ka talinta beeshaasi ayaa ka dhacey Magaalada Muqdisho, kulankaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay hogaamiyaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Aqoonyahanada, Ganacsatada, Haweenka, Qurba joogta iyo Dhallinyarada beesha Galmaax Yoonis, is tusaaleyn iyo falanqeyn dheer kadib waxaa la isku raacey qoddobada hoos ku qoran:-

1-Beeshu waxay aad ugu xun tahay Madaxweynha Qaranka inuu fulin waayo balanqaadyadiisi siyaasadeed ee u horey u sameeyey sida inay Dawladiisu caddaalad ku shaqeyn doonto.

2-Beeshu markIi ay aragtey sida uu Ra’iisul wasaaruhu u xaqirey saamigii siyaasadeed ee ay beeshu ku laheyd Golaha Wasiirada waxay guud ahaan ka soo horjeesatay oo ay gaashaanka ku dhufatey jiritaanka Xukuumadda cusub .

3-Beeshu waxay ka soo horjeedaa oo waxba kama jiraan ay ku tilmaamaysaa kulankii ka dhacey hoyga nabadoon Maxamed Yuusuf oo lagu sheegay inay beesha Muddulood ku taageertey Xukuumadda cusub, sidaasi daraadeed waxay beeshu halkaan ka caddeynaysaa kulankaasi inuu ahaa mid aan loo dhameyn, arintaasina waxaa caddeyn u ah inaaneyn kulankaasi ka soo qeyb gfalin Ugaaska beesha iyo Malaaqa Xamar iyo Xamar daye, sidoo kala waxaa kulankaasi diiday oo ka baaqsadey Xildhibnaada beesha.

4-Beeshu waxay cambaareynaysaa hadalkii ka soo yeerey nabadoon Maxamed Yuusuf oo uu ku sheegtey inuu yahay Boqorka deegaanka, tasoo ah maqaam dhaqameed uu iska leeyahay Malaaqa deegaanka Xamar iyo Xamar daye.

5-Beeshu waxay si adag u ogeysiinaysaa Madaxweynaha Dalka in masiirka G/banaadir aanu gali Karin gor-gortan siyaasadeed,kursiga Gudoomiyaha Gobolka iyo kan Duqa Magaalada Muqdishana uusan noqon Karin mid saami siyaaadeed loogu xisabtamo ee ay tartan u galaan beelo kale, balse uu yahay mid ku asteysan deegaan oo ay xaq u leeyihiin dadka deegaanka asalka u ah sida beesha Galmaax si la mid ah Gobolada kale ee Dalka.

Go’aanadaan ayaa noqonaya kuwo ku soo beegmay xilli midkii ugu haboonaa, waxaana go’aanadaan si diiran u soo dhaweeyey Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka ku abtirsada beeshaasi, in dhawalaba waxaa Galmaax Yoonis lagu xaman jirey inuu ku jiryo jiif dheer, muddo aan yareyn ayaa xaqa siyaasadeed ee beeshaan si toos ah iyo si dadban loogu takri fali jirey, horey ayaa loogu baahnaa inay beesha Galmaax ku dhaqaaqdo go’aano ceynkaan oo kale ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.