var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Gabdhaha Muslimiinta Switzerland Maxkamada Yurub ku Xakumay in ay la dabaashaan Wiilasha,

Maxkamada Xaquuqul aadanahanee Yurub ayaa Dowlada Swisska ku xukuntay gabdhaha Muslimiinta ee dalkaasi in ay dabaasha la bartaan Wiilasha,

 

Dowlada iswitzerland oo dhibaatooyin badan kala kulantay arintan ayaa maxkamada yurub ugudbisay ayaa ku andacoonaysa in arintani aytahay mid u fiican bulshada , waxayna kor uqaadi doontaa isdhexgalka bulshada ,waxbarashada iyo Caafimaadka , waalidiintu waa in ay taas fahmaan, waxaa sidaasi yiri Masuul u hadlay dowlada swisska,

 

Aringan ayaa  kusoo aadeysa kadib markii waalidiin faraban oo muslimiin ah ay Caruurtooda gabdhaha ah udiidee. In ay tagaan goobaha dabaasha kagu baro oo ay isku dhexjiraan wiilasha iyo gabdhaha,

 

Dhowaan ayay ahayd Magaalada Basel markii laba gabdhood heesta dhalashada Dalkan Swiss asal a ahaana kasoo jeeda Dalka Turkiga ay Waalidiintood u diideen jn gabdhahooda oo qaangaar ah ay udiraan Dabaasha oonay wiilashu gabdhaha kala soocneen ,

 

Sanadkii tagay 2016-kii Family dagan Magaalada Basel ayey dowladu hakad Galisay dardar galinta boroseeska qaadashada sharciga muwaadinka dalkaas ,kadib markii laba wiil qaangaar ah oo katirsan familkaaasi ay diideen in gacanta ku salamaan Macalimadooda schoolka oo ahayd qof dumar ah,

 

Sidoo kale dowlada Switzerland ayaa racfaan ka qaadatay xukun dacwadeed oo ay Maxkamadu ganaaxa ku riday sanadkii tagay nin asal ahaan kasoojeeda bosniya oo gabadhiisa diiday in ay ka qayn qaadato Cashirka dabaasha inta lagu gudajiro saacadaha xiisada iskoolka,

 

Dhinaca kale 2013ii  dowlada  garmalka ayaa xaalad adag kala kulantay arinta ah in la isku dhexdaro gabdhaha iyo wiilashada inta lagu gudajiro iskuulka gaar ahaan cashirada dabaaasha, balsa waxay  ogolaatay dowladu xirashada dharka asturan burkini.

 

Faransiiska 2009-kii Dowlada  ayaa dumarka ka mamnuucday in ay ku dabaashaan meelaha bulshada ku wada-dabaalato  iyahlgoo xiran Burkini

 

France, Belgium, iyo  Netherlands ayaa dhamaantood hablaha muslimiinta ka mamnuucay xikaabka in ay la yimaadaan goobaha bulshada isugu timaado,

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: