var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu qabtay duleedka magaalada Muqdisho.

0

Ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya oo kusugan deegaanka Siinka Dheer ee duledka magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Max’ed Abuukar Islow Ducaale ayaa u sheegey wakaaladda wararka SONNA in ciidamada amniga ay qabteen gaarigaasi oo maleeshiyada Shabaab ay ugu talagaleen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Gaarigan ay qabteen ciidamada ayaa ah nuuca Camirida loo yaqaano kaasi oo haatan lagu hayo duledka magaaladaa Muqdisho.

Saraakiisha amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa SONNA u sheegey in haatan gaariga laga dejiyay qaraxyadii saarnaa, ayadoo sidoo kale gacanta lagu hayo dadkii la socday gaarigaasi oo ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.