var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Gaari la Jiirsiiyey Dad Marayey Wado Mashquul Badan Oo Ku Taalla New York

Friday May 19, 2017 – 4:37:49 pm
Gaari ayaa dad lagu dardarsiiyay
waddo mashquul badan oo ku taalla
magaalada New York waxaana la
sheegay inay ku dhimatay gabar 18

jir ah halka 22 kalana ay ku
dhaawacmeen.

Richard Rojas, oo ah 26 jir ayaa la sheegay inuu waday gaariga waxyeelada geystey waxana uu
ninkan hore uga tirsanaa ciidamada
Maraykanka.

Gaariga uu waday ninkan ayaa ku cararayay xowli ka badan kala bar inta la oggolaa in lagu maro wado dad badan ay lugeeyaan bartamaha
magaalada New York.

Hase yeeshee gaariga ayaa markii dambe istaagay kadib markii uu ku dhacay baale wadada dhinaceeda surnaa.

Wadaha gaariga ayaa la sheegay inuu sarkhaansanaa isagoo qirtey markii ay boolisku qabteen inuu soo cabay xashiishad kahor inta uusan gaariga kaxeyn.

Dadka ku dhaawacmay shilkan oo
gaaraya 22 ruux ayaa toddobo ka mid ah xaaladoodu liidataa iyadoo lagu daweynayo isbitaal hase ahaatee 15 ka mid ah dadka waxyeeladu soo gaartay ayaan u baahan isbitaal.

http://m.facebook.com/sirahaculus/
calisaxafi@gmail.com
Cali M Gaaboow

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: