var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Faysal Cali Waraabe oo Ka Hadlay Sababta uu Isu Casilay C/raxmaan Cirro

0

Ilwareed Online –

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu kaga hadlay iscasilaada Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro.

Guddoomiye Ciro ayaa u sababeeyay iscasiladiisa inuu yahay musharax madaxweyne oo u tartamaya Xisbiga Mucaaradka Wadani oo ka mid ah Xisbiyada ugu dhaq dhaqaaqa badan Somaliland.

Eng: Feysal Cali Waraabe ayaa dhaliilay howshii uu soo qabtay Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland Mr Cirro,isagoo sheegay intii uu xilka hayay inuu galay danbi dhiig ku daaday.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe in Musharax C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro uu mas’uul ka ahaa dhibaato iyo fowdo badan oo ka dhex dhacay Golaha Wakiilada Somaliland,kuwaasi oo dib u dhigay howlihii Golaha Shacabka Somaliland u hayay.

Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland Mr Cirro oo shalay ka hor sheegay Golaha Wakiilada inuu xilka Guddoomiyenimo ka tagay ayaa waxaa arintaasi siyaabiiyin kala duwan uga hadlay Shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland.

Deegaanada maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa iney ka qabsoonto doorashooyinka guud oo shacabka ay ku dooranayaan hogaamiye cusub.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]

fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.