var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Farshaxaniiste caan ka ah Muqdisho oo ku geeriyooday Nairobi

Ilwareed Online –

Farshaxaniiste caan ka ah magaalada Muqdisho ayaa shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee wadanka Kenya kaddib markii uu u geeriyooday xanuun maalmahaan hayay.

Allaha u naxariistee farshaxaniiste Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Alif) ayaa sida ay xaqiijiyeen eheladiisa geerida ku timid isbitaal lagu dabiibayay xaaladiisa caafimaad.

Farshaxaniiste Cabdiraxmaan Alif ayaa la sheegay in cudurro dhowr ah oo uu ka mid yahay xanuunka Kaadi-macaanka la xanuunsanayay maalmihii ugu dambeeyay noloshiisa.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ka tegay xaas iyo caruur degan magaalada Muqdisho, iyadoo eheladiisana ay iminka ka tashanayaan halkii lagu aasi lahaa.

Artiste C/raxmaan Alif ayaa ku caan baxay sawir gameedyada oo uu inta badan ku muujin jiray ahmiyadda ay leedahay nabadda iyo kuwo kale oo dhinaca bulshada horumarkeeda tilmaamayay.

 

Bahda shabakadda Somaliweyn iyo weriyeyaasha Muqdisho ayaa tacsi u diray ehelada marxuumka, iyagoona Alle uga baryay inuu janadii fardowsa ka waraabiyo isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo ehelada, asxaabta iyo guud ahaan bahda warfaafinta.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.