var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Fanaanada Rahma Rose Minneapolis Wiil ku umushay ,

Fanaanada Caanka ah ee reer America Rahma Rose ayaa si Caafimaad qaba ku umushay wiilkeeda yar  Magaalada Minneapolis dalka maraykan ,

 

Fanaanada oo aan Waayadan lagu arag Masraxyada Shoowyada ,ayaa la tacaaleeysay caafimaad qabka uurkeeda madaama Fanku uu u baahanyahay hoowlo badan .

Rahm Rose Ayaa caawa Barteeda Facebook kusoo qortay  iyada oo faraxsan “Alx Meet my lil boy mudasar ALLAH wuu igala keenaay Allah bay mahad uu sugantahay.

 

Qaar kamida Fanaaniinta ku nool magaalada Minneapolis ayaa booqasho ugu tagay Fanaanada xili ay ku sugneed hosbitaalka,iyagoona dareenkooda farxadeed laqaadanayay fanaanada ,

Fanaanka  Dalmar-yare ayaana kamid ahaa Fanaaniinta booqashada ugu tagay hosbitaalka ,isaga oo hambalyo dhalasho udiray Fanaanada Rahmo iyo seygeeda Axmed Ayuu Bartiisa Snapchatka soo dhigay Sawiro iyo Fiidiyoowga Mudasar ,

 

Taageerayaasheeda daafaha caalamka ku sugan ayaa caawa fanaada si buuxda hambalyo diiran  ugu soo dirayay facebookga qaybtiisa Commentiyada ,

 

Rahma Rose ayaa barteeda facebook ku sheegtay in wiilkeeda loo bixiyay magaca “Mudasar”

Dhamaan Bahda Warbaahinta www.ilwareed.net hambalyo ayaan udiraynaa Fanaanadeena Rahma Rose iyo seygeeda Axmed oo wiil ugu dhashay Dalja maraykanka Magaalada Minneapolis, waxana leenahay Mudasar soo Barbaar oo noqo kii dalkiisa dadkiisa diintiisa difaaca ,aamiin aamin ayaanu leenahay

AKHRISO  Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdisho oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir + Sawirro

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: