var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Fanaan Ilkacase Qays lagu xiray Kampala ,shoowgiisana laga burburiyay ,

Fanaanka wayn ee ilkacase qays ayaa lagu xiray caawa magaalada Kampala caasimada dalka Uganda,

 

 

Fanaanka ayaa show soodhagsatay Kampala si uu Show ugu qabto taageerayashiisa jooga Uganda

 

Waxana malmahan la arkayay Xayeesiin shoowga fanaanka iyadoo ay taagerahiisa wataan sameecado waxayna dadka ku wargalinayeen in uu jiro shoowga ilkacase qays oo ah fanaan ku luuqeeya heesaha raapka kuwa caadiga jaceylka iyo wadaniyada ayuuna badanaa ku kasbaday tageero farabadan ,

 

Markii uu fanaan ilkacase yimid uganada gaar ahaan Kampala waxa lasoo xariiray Culumada masaajidka Towxiid oo u badan ganacsato waxayna ufareen fariin ah, in uu joojiyo shoowgan oo ah fasahaad umada lagu fasahaafinayo ,

 

 

sida uu iisheegay goobjooge kusugan Kampala waa uu diiday fanaanka iyo hoowlwadeenadiisa , culumada ayaa usoojeediyay fanaanka in uu joojiyo showgan iyaguna ay uceliyan qarashadkiisa iyo safarkiisa ku baxay , qiimaha saxda lama sheegin balsa ilkacase iyo kooxdiisa ayaa ku adkeestay go’aankooda,waxayna labada dhinac ku kala tageen , car dhiga shoow iyo waan dhiganaynaa,

 

Caawa ayeey ahayd munaasabada fanaan ilkacase uu Kampala ku qaban lahaa , waqtii xaflada ayaa lagaaray dad farabadan ayaa soo buuxiyay goobta, waxaa yimid fanaan ilkacase mikrafoonka ayuu qabsaday isaga oo heesaya heestii ugu horeeysay we shoowga ayaa korontada laga jartay hoolka ,waxaana gudaha usoogalay ciidamada milatariga Uganda sunta gaaska dadka ka ilmeeysiiya ayaa lagu furay dadkii ayaa isku dhexyaacay kadib ,fanaan ilkacase qays ayee ciudamadu kala abaxeen hoolka waxayna ku riteen gaari,

Wararka qaar ayaa sheegaya in lasooo daayay fanaanka iyadoo laga dhiibay madax furasho lacag dhan 300 doolarka maraykanka,,Waxana la arkayay Ilkacase qays oo Snapchaka video soo dhigayo xariga kadib isagoo sheegay in Shoowgiisa laga burburiyay,

 

 

Fanaan ilkacase qays ayaa ah Fanaaniinta ugu caansan dhinacaasi iyo heesaha raapka wadaniga iuo guubaabada dhalinyarada soomaaliyeed ,aad ayeena ujecelyahiin dhalinyarada fanka jecel, wuxuuna safaro badan ku tagay dalal farabadan oo uu fanaanka show ugu sooqabtay jaaliyadaha kusugan dalakaas ,

 

 

neyroobi Kenya ayee ahay markii ugu dambeesay uu booqday fanaanka oo uu Kampala, ugu soogudbay,

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: