Falanqeynta: Madaxweyne adiga ayaa lagu doortay…

Ilwareed Online –

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka, kana tirsan Xisbiga Wadajir ayaa goor walba sheega koox shaqsiyaad kooban. ah inay maamulaan villa soomaaliya. Ama Madaxtooyada Soomaaliya oo madaxweyne Farmaajo uu awoodiisa ku wareejin dad aan la dooran.

Wuxuu hadalkiisa ku sharaxay in shacabka soomaaliyeed ogyihiin dadka aan la dooran ee saameynta leh oo awooda ku heysta Madaxtooyada oo Wasiirada kala bedela taliyeyaasha ciidamada kala bedela.

Madaxweyne adiga ayaa lagu doortay dadka aan la dooran awoodaada haku wareejin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Hadal cad ku yiri.

hadalkan. MudaneCabdi raxmaan C/shakuur Warsame uu kula hadlay saxaafada waa hadal Gafku ama aan ku habooneyn Qof mucaarad oo waqti dheer siyaasada ku jiray. in uu bur buriyo sharciga Dastuuriga Faderaaka ee. Qabyo Qoraal ahaa.

Masaxbaa in siyaasi mucaarad ah. uu yiraahdo Madaxweynihii wuxuu awoodiisii Dastuuriga ahayd wuxuu ku wareejiyey dad aan la dooran. Dad kaas waa kuwee? Sow in uu sharaxo maaha waxa uu ula jeedo.

Cabdiraxmaan ayaa u muuqda siyaasiga kooxda Mucaaradka u noqday Afhayeen weyn oo matala kana soo horjeeda Xukuumadda Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo,

Waxa sanadkii hore 2017 Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sameeyey dhaq-dhaqaaq xooggan oo uu ku muujinayo dhaliilo iyo khaladka dawlada Farmaajo hogaamiyo wuxuu qabtey dood cilmiyeed lagu soo bandhigayo siyaasada wadanka.

Siyaasi Cabdiraxmaan xariga loo geystey waxa uu isaga uga dhigan yahay fursad qaali ah oo la siiyey, inuu noqdo hogaamiyaha isbadal doonka siyaasadeed ee mustaqbalka somalia. waxaana uu helay Taageersyaal badan oo. Dawlada dhaliilsan.

Markii ugu danbaysay ee uu waraysi siiyo Universal TV wuxuu sheegay in mar walba ay Naftiisu qatar ku jirto, sidoo kale waxaa uu xusay inuu helay warbixin ku aadan in dowlado shisheeye iyo xubno ka tirsan dowladda ay rabaan inay Shabaab u soo adeegsadaan in la khaarijiyo.

Hadalkaa uu yiri oo ah fariin khatar teeda wadata Qof walba oo mucaarad ah hadalkan wuu cabsigalinayaa

Waxaan Falanqeyntayda Farta ku fiiqayaa waxaa wanaagsen in Madaxda Dawlada ugu saraysa Gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo waa in uu wada hadal la sameeya C/raxmaan oo ah Siyaasiyiinta Mucaaradka, kana tirsan Xisbiga Wadajir maadaama Cabdiraxmaan cabasho ka keenay in la diyaarinayo in la khaarajiyo

hadii hadalkaa wax ka run noqdaan oo inta ka horaysa Madaxweyne Farmaajo ka hadlin oo wax ka qaban cabashadaa Ka timid siyaasi ka mida mucaaradka diidan siyaasada dawlada uu hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo
Dhibaatadaa dhacda waxaa masuuliyadeeda qaadanaya Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa talada wanaagsen ah in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo. Madaxda dawlada hogaamisa iyo siyaasiyiinta wax dhaliinsan.

Maaha dhaqan wanaagsen in Madaxweyne dhan oo la doortay la yiraah wadanka ma xukumo.

WQ: Maxamed Caalim



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline