var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Falanqeyn Wararka: Runta ah iyo kan Beenta. Waa in Dhaqso loo kala saaro.

Ilwareed Online

Xilligan aan ku jirno ee Twitter, Facebook iyo shabakadaha ay bulshadu ku wada xiriirto waxaa caado noqotay in warar badan oo been ah dadka lagu dhex faafiyay.

Gaar ahaan in Dadka Madaxda ah iyo Dadka Bulshada wax Garadka u ah , Culumada diinta in war meen ah laga sameeyo. iyadoo Sumcada looga dilayo. Warka beenta ah inteeda badan waxaa sameeya dad khibrad u leh aqoonta saxaafada oo Garanaya waxay bulshadu Rumaysan karto ! Iyadoo warku been yahay.

Iyadoo danta laga leeyahay noocya badan tahay.

Arinka ugu wayn ayaa ah in ra’yiga dadweynaha lagu marin habaabiyo, gaar ahaan akhristayaasha iyagoo si fudud u rumaysan kara (horaa loo yiri been Fakatey Run magaarto.)

warka been abuurka la yiraah waxay dhibaato badan ku hayaan wadamada aan sharcigu ka jirin sida soomaaliya oo kale. oo aan awood loo lahay in warka beenta ah iyo ka runta ah si dhaqso ah loo kalo saaro

Warka beenta ah waxaa aad loo isticmaalay sanadahan danbe Gaar ahaa waqtiga Doorashooyinka lagu jiro iyo waqtiyada Dagaalku socdo iyo marka ay dhacaan weeraro argagixiso.

Waqtigii ay ugu badnayd warka beenta ah waa xilligii uu socday ololihii doorashadii Mareykanka. Ujeedada waxay ahayd in meesha laga saaro warar aad u badan oo lagu baahiyay internet-ka, gaar ahaan baraha bulshada.

Iyadoo war badan oo beena laga sheegay Madaxweyne Trump. Walina ilaa uu madaxweyne noqdey warkii beenta ahaa laga sii sheego.

Sidee warka been abuurka looga hortagi karaa?
waa in marka la arko warka beenta ah si dhaqso ah arinkaa looga hortagaa oo ay ka jawaabto Warka beenta ah cida laga sameeyey.

Haddiise wararkaa beenta ah laga aamuso waxaa imaneysa iney gaaraan meelo aan horey looga fileyn iney gaari karaan, maadaama dadka intiisa badani ay iska rumeystaan waxwalba oo loo sheego. oo war noqon kara.

Waxaan Falanqeyn tayda ku muujinayaa in warka beenta ah ee hada laga sameeyey Raysal wasaare Xasan Cali Khayre si dhaqso ah Safaarafa soomaalida ee Wadanka Maraykanku Ka jawaabta! Waa nasiib xumo in Twitter, Facebook lagu diro si been ah.

Qore Danjire Mahamed Caalim



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: