var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Fal argagax leh oo ka dhacay degmada Guriceel

0

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay halkaasi ay ka dhacday dhacdo argagax leh kadib markii nin la sheegay in uu kamid aha adadka deegaanka uu xaaskiisa gowracay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in nin Madaxa looga jiray oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad uu gowracay xaaskiisa Canab File oo u heysay 8-caruur ah, waxaana la sheegay in ninkan xaaskiisa uu si xun u dilay .

Ciidamada maamulka Ahlu Sumna ayaa gacanta ku dhigay ninka gowracay xaaskiisa, waxaana hada ninkan uu ku xiran yahay xabsi kuyaala magaalada Guriceel, dhacdadan ayaana noqotay mid argagax badan ku beertay dadka ku dhaqan Guriceel.
Dhacdadan naxtinta leh ee saakay ka dhacday magaalada Guriceel ayaana noqotay mid si weyn looga hadal hayo magalaadaasi, mana ahan dhacdan mid ku cusub gayiga Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.