Fadeexaddii Watergate Qeybtii 1aad

Q. 1aad.

Waxaa inbadan dhagahaaga kusoo dhacay fadeexaddii caanbaxday ee ”watergate”, hadaba sideey u dhacday? Maxay ku saabsanayd? Xagee ka dhacday? Goorma ayay dhacday? Yaa ku luglahaa? Maxay ku dhamaatay?

Waxaan rabaa qormo taxane ah in aan kusoo koobo jawaabahaas, oo waa mide marka hore bal in fadeexadda dhagahaaga ka badatay aad wax ka ogaatid, tan kalena. aan wax ka baranno sida dadkii berigaa joogay shacab iyo madaxba uga falceliyeen.

Ujeedadu maahan inaan dhiganeyno darsi taariikh ah oo kaliya, ee waa ineey noo noqoto tusaale aan wax ka barano marka ay tusaale ahaan waxyaabahaan oo kale nalasoo gudboonaadaan, macnahayga sida hadda aan ula tacaamulmo si ka duwan aan la imaano.

Dhibaatooyinka siyaasadeed caalamkoo dhan way ka dhacaan, oo uu dalkeenu ku jiro, erayga watergate-na wuxuu sami u noqday fadeexad kasta ee siyaasadeed oo aduunka ka dhacda. Fadeexadaas ayaa inta badan gadaal laga raaciyaa erayga ”gate” tusaale ”SOMALIgate”

waa qaybtii 1aad

Ka warran hadii madaxweyhinii dalka ee sharciga ilaalin lahaa isu badalo dambiile? waxbaa qaldan soo maahan? Fal dambiyeedkaan waxa uu ku saabsanyahay aqal la jabsaday, laakiin ma ahan sida guri caadi ah oo la iska jabsaday oo kale, falfal xumadaan waxay si toosa lugaha ula gashay aqalka cad ee Mareeykanka looga taliyo.

Waa habeen waxoogaa diirran taariikhduna ku beegan tahay 17 juun 1972dii, dariiqyadu waa cidla, inta badan dadka reer washington-na way hurdaan, kanaalka biyuhu maraan ee dhexmara magaaladan bartameheeda waxaa agtiisa kuyaala dhisme aad u ballaaran oo casriya laguna macaabo WATERGATES, waa aqal aduunkoo idil laga wada aqoonsaday, waa hotel isla markaana xarun u ah xisbiga Dimuquraadi ee lagu magacaabo ”Democratic National Committee” goobtaa ayaa loo dhacay lana jabsaday.

Watergate nalalkii ayaa loo damiyay, cidda kaliya ee ku hartayna waa waariyihii dhismaha Frank Wills, waxa uu dhex lugeeynayaa aqalka oo aan cidina ku wehlin, waardiyihii waxa uu arkay sharooto ku dhagan qataarkii albaabka, sharootadu albaabka ayay ka celineeysaa inuu xirmo, waxaa sidaa yeeli jiray shaqaalaha nadaafadda ku howlan marka ay labada gacmood ku jiidaayaan qalabka ay wax ku hagaajiyaan, howl fududeysi darteed, iyagoo si sahlan sinta ugu riixa albaabka si ay isaga gudbaan qaybaha tirada badan ee aqalka, Frank wuu ka warqabay in shaqaalaha nadaafadda sharootada isticmaalaan, sidaa darteed shaki badan ma galin, maadaama shaqaalihii sidaa yeeli jiray xarunta ka maqanyihiin waxa uu gartay inaan loo baahnayn in sharootadu albaabka kusii dhaganaato, kadibna wuu ka fujiyay albaabkii, laakiin wax yar kadib markii uu kusoo laabtay isla albaabkii waxa uu arkay sharootadii oo meesheedii lagusoo celiyay, markaas shaki wayn ayaa galay waardiyihii, kamana uusan labalabayn inuu boliska wargaliyo, nasiib wanaaag durbadiiba waxaa qayla dhaantii waardiyaha ka soo jawaabay gaari bolis. dharcad ah oo agagaarka ka dhowaa, gaariga waxaa saarnaa sadex askari, waardiyihii waxa uu gudaha usii daayay boliskii oo jaranjaradii kor uraacay illaa ay ka gaaraan dabaqii ay xisbiga Dimuquraadiga xaruntoodu ku taalay.

Mid kamida booliskii soo gaaray xarunta xisbiga ayaa u waramay dokuminterigii ABC ee ”Truth and lies watergate” wuxuuna yiri-

-waxaan kor ugu dhawaaqay cod dheer si aan u argagax galiyo qofka meesha ka shanqaraayay waxaana ku iri ”kor u taag gacmaha oo banaanka usoo bax hadii kale madaxaan ku qaadaa..!” kadib waxaa banaanka usoo baxay………….

Lasoco qaybta xigta.

Maxammed Abdullahu Hussein (Garmagale)





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline