var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Faallo: Xukuumadda mudane Khayre waqti ha la siiyo ay wax ku xaliso

0

Waxaan soo dhowaynayaa xubnaha Golaha Wasiirada cusub. Anigoo og in awood qaybsiga 4.5 ee xukumadda cusub dhibaato badan ka iman karto hadii si qaldan loo isticmaalo.

Waxaan wada ognahay in Dawladaha Dariska ah Gaar ahaan Dawlada itoobiya ay Doonayso in Dawladda Madaxweyne Farmaajo Fashilanto.

Arinka ma aha wax malaawaal ah ee waa xaqiiqad jirta..

Waa inaan midnimo muujinaa ilaahay ka barinaa in Dawladda cusub ku guulaysato in ay Dalka ka saarto dhibaatada Abaaraha, colaada iyo khilaafka soomaali dhex yaala.

Xilka wasiirku waa masuuliyad Qaran oo weyn markaa waa in wasiirku ku fikiraa si Qaran haduu u fikiro si Qabiil hawshii laga sugayay meel magaarayso.

Shacabka soomaaliyeed waxaa laga rabaa inay is-taageeraan oo ay u midoobaan sidey dawladooda wax wanaagsan ku taageeraan waxa xuna ka diidaan. Gaar ahaan amniga kala shaqeeyaan xukumada cusub.

Xildhibaanada waxaa laga rabaa inay wadanka shirci Dajin iyo inay la yimaadaan wadaniyad waqti kastana ay shaqeeyaan Si shuruud la’aana

Shacabka Soomaaliyeed Baarlamaanku waxaa uu ka sugayaa hawl badan.

Columada iyo aqoonyahanada waxaa laga rabaa inay bulshada tusaan waxa wanaagsan ee hurumar adoonyo iyo mid aakhiro lagu gaari karo.

Fanaaniinta iyo saxaafada waxaa laga rabaa inay bulshada Tusaaleeyaan waxa Qaldan iyo waxa saxan iyagoo wixii Fidna keenaya iska ilaaliya.

Ugu Danbay waxaa Toos ah Taageerada xukumada u baahan tahay laga sugayaa shacabka Gobalka Banaadir waa Gobolka astaan u ah midnimada soomaaliyeed waxaa ku aqaan shacabka muqdisho ku nool kuwa diida cadawga shisheeye ee ku soo duulay soomaaliya Waxaa lagaaray waqtigii Caqligu shaqayn lahaa

Qore Maxamed caalim

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.