Faallo: Taariikhda Wasiiradda cusub ee Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga

Ilwareed Online –

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka xilka ka qaaday saddex Wasiir, isagoo ku bedelay saddex kale.

Wasiiradda cusub ee la magacaabay ayaa kala ah:

Wasiirma Arrimaha dibadda Amb Axmed Isse Awad, wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha Mohamed Cabdi Hayir Maareeye iyo Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Mohamed Sabriye.

Akhriso: Taariikh Nololeedka Wasiirada Cusub Ee La Magacaabay

Taariikhda Mudane Axmed Ciise Cawad:

Axmed Ciise Cawad, waxaa uu dhashay 1955-tii, waxbasrahadiisa jaamacadeed heerka 1aad waxaa ka dhameeyay Concordia University Montreal, halka Master uu ka sameeyay Institute of Peace and security Studies ee Adis Ababa University, waxaa uu sidoo kale PHD Candidate ka yahay Sudan University of Science and Technology, Khartoum.

Ambassador Axmed Ciise Cawad, Waxaa uu ka soo shaqeeyay meelo badan sida 2006-2015 waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan UN-ka isagoo ka shaqeeyay UNMIS iyo UNAMID oo kala ahaa Koofurka Suudaan iyo Darur.

2015-kii wixii ka dambeeyay waxaa uu ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.

January 4, 2018, Waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.

Taariikhda: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye:

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaa uu ka soo jeedaa gobollada waqooyiga Soomaaliya, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade.

Shirkii Mbagathi kadib, waxaa uu noqday Xildhibaan, sidoo kale wasiirka warfaafinta ayuu ka ahaa xukuumaddii Cali Maxamed Geedi.

2012-kii, Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada ugu saameynta badnaa, kadib 2 January 2015, waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii Cumar Cabdirashid

December 10, 2016: Wasiir Maareeye oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee golaha shacabka ee Doorashada ka dhacday Muqdisho.

January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha

Taariikhda: Cabdi Mohamed Sabriye

Mudane Cabdi Mohamed Sabriye waxaa uu ku dhashay Dhuusamareeb 1957-dii, isaga oo waxbarashada hoose ku qaatay ( Matabaan), dhexe (Dhuusamareeb) iyo Sare (Galkacyo), kadib waxaa Jaamacadda heerka 1aad kuliyadda Injineeriga ka dhameeyay Gaheyr isaga oo Master ka qaatay Newcastle University.

Dhanka shaqada:

Mr. Cabdi Mohamed Sabriye, sanadihii 1982-1990-kii, waxaa uu ka shaqeyn jiray wasaaradda howlaha guud, wakaaladda dhismaha.

1994: Waxaa uu ka shaqeeyay ururka midowga Afrika, waaxda guriyeyta iyo bey’ada, waxaa kale oo uu muddo ka shaqeynayey UNDP.

1994-2018: Waxaa uu ahaa ganacsade.

January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Mohamed Sabriye.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline